Hotel Panorama

Bossaso

Adeeg Wacan

Hotel Panorama wuxuu safka hore uga jiraa Hoteelada casriga ah

Hotal Panorama waa Hotel leh dhir iyo meelo ku wanaagsan dalxiiska, waxaana uu leeyahay qaybo kala duwan oo cuntada iyo nasiinada loogu tala galay, waxaana ka mid ah qaybaha aad u jeedaan ee qolalka gaar gaark ah, kuwaasi oo leh AC xili kasta, nadaafad heer sare ah iyo waliba soo dhaweyn lagugu adeegayo si heer sare ah, waxaana kuugu diyaar ah shaqaale

loo carbiyey shaqooyinka

Hotel Panorama waa magaalo yar ee kaalay ila booqo mar uun

Hotel Panorama wuxuu leeyahay meelo kala duwan oo la dhigto gawaarida, waxaana dadka Hoteelka degan, iyo kuwa adeega u yimaada ay ka heli karaan Car Parking wanaagsan.

Hotel Panorama waa magaalo yar hadii aad tagtana kama xiiso dhacayso, waxaana kuugu diyaar ah soo dhaweyn iyo qiimo macquul ah oo ku raali galinaya xili kasta.

Jiif Wacan, Cunto dhadhan iyo tayo wanaagsan, Nadaafad iyo amaan ugu tag Panorama

Panorama Hotel wuxuu leeyahay goobo dhir iyo ilqabad wanaagsan kuwaasi oo ku haboon shirar kooxeedyada, lamaanaha, iyo Kali ahaanshaha qofku doonayo in uu isaga dajiyo culeysyada iyo shanqaraha.

Goobaha dhirta iyo ilaqabadka wanaagsan ee Hotel Panorama waxaa kuugu diyaar ah shaqaale kuugu adeegaya goobtaada, waana adeegyada sare ee Hotelka

Internet, Koronto 24 saac ah, qol kasta oo Telefoon iyo Tv leh

Panorama Hotel Boosaaso

Waa Hotel Caalami ah oo loo dhamaystiray dhamaan adeegyadii sida Internet, Koronto joogto ah, Nadaafad, ammaan, soo dhaweyn, qiimo macquul ah iyo waliba adeegyo kale.

Hotel wuxuu leeyahay gawaari kaa soo qaadaysa kuna geynaysa Garoonka diyaaradaha iyo waliba meelaha aad uga baahato magaalada

Hotel Panorama wuxuu idiin diyaariyey Jiif wacan oo ku haboon in qoysku bisha malabka ku qaataan qolalka habaysan ee Hotel-ku u diyaariyey macaamiishiisa.

Hotelku wuxuu xiriir la leeyahay Hay'adaha, Shirkadaha iyo qaybaha kala duwan ee maamulka.

Hotel Panorama wuxuu leeyahay qolal kala duwan oo isugu jira Jiif loogu tala galay lamaanaha, ama qoysaska, sariiro hal nafar ah oo Singale ah.

Qol Kasta wuxuu leeyahay Telefishin, Telefoon, iyo AC 24-ka Saac ah.

Waxaa intaasi sii dheer in qol kasta ayaa adiga oo jooga laguu adeegayaa, waana adeeg qaali ah.

Panorama Hotel wuxuu leeyahay sida aad aragtaan goob aad u qurux badan oo loogu tala galay lamaanaha caruuska ah ee arooska halkii ay ku dhigan lahaayeen xafladadooda qaaliga ah, isla markaana asxaabta iyo ehelku ay farxad ugu ciyaari lahaayeen.

Waxaa uu leeyahay goob u gaar ah dumarka iyo waliba goobo kale oo ragga u gaar ah ee ha moogaan.

Hotel Panorama oo ah Hotel aad u tayo wanaagsan, si wanaagsana looga shaqeeyey wuxuu leeyahay qaybaha loogu tala galey xaflada, cuntada sida qado ama casho, qaybaha shirarka, Aroosyada, Siminaarada iyo Tababarada.

Hotelku wuxuu leeyahay adeegyadii loogu gala galey dhamaan arimahaasi, waxaana xusid mudan in qaybaha aroosyada ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ay dadku ku doorteen Hotel Panorama

Qaybaha Siminaarada & Shirarka ee Hotel Panorama

Hotal Panorama Waa Hotel Habeysan oo casri ah, waxaana uu caan ku yahay adeegyada muhiimka ah, Hoolkan idiin muuqda wuxuu ka mid yahay hoolka loogu tala galay shirarka iyo Siminaarada, waxaa Hotel-ku awood u leeyahay in dhawr shir ama Simibaar oo kala duwan uu qabto xal xili taasina oo muujinaysa in Hotelku yahay Hotel Weyn oo ciriiri ku jira.

Hotel Panorama wuxuu ku yaal halka laga soo galo Magaalada Boosaaso ee albaabka ah, waxaana uu ku yaal meel ka yara baxsan buuqa iyo sawaxanka magaalada, iyadoo taasi loogu tala galay in dadku ka fogaadaan shanqarta gawaarida iyo matoorada, waana goob ku wanaagsan saxada dhanka caafimadka
Kala xiriir wixii Faah Faahin ah:Tell: 824444, 823333, Mobile 799983
E-mail:panoramarest@hotmail.com
@ Copyrights 2008 Waxaa Diyaarisey Qaybta Xayeysiiska ee SBC