|
Bishaaro++Bishaaro++Bishaaro
|
|
Wargalin Muhiim ah !! Hay'adda Warbaahinta Soomaaliyeed oo ka mid ah hay'adaha warbaahineed ee ugu balaaran deegaanada looga hadlo afka Soomaaliga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay wadey talaabooyin lagu dar dar galino qaybta Online-ka ee maqalka iyo qoraalka ee ka mid ah qaybaha warbaahineed ee SBC International ka kooban tahay. Dhawaan ayaa qaybta IT-ga warbaahinta SBC International waxay si toos ah hawada u galiyeen qaybta LIVE-ka ama Tooska ee lagu dhageysan karo dhamaan barnaamijyada, wararka, wareysiyada iyo wax kasta oo ka baxaya Idaacada SBC gaar ahaan Studiyaha magaalada Boosaso. Qaybta Online-ka Waxay keentey in dad kumanyaal ka badan oo ku kala sugan daafaha caalamka ay si toos ah ula socdaan barnaamijyada iyo wararka laga tabinyo warbaahinta SBC gaar ahaan Studiyaha magaalada Boosaaso. Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dunida daafaheeda ayaa waxay u riyaaqeen arinkan iyadoo boqolaal E-mail, iyo fariimo naga soo gaareen dadkaasi faraha badan, iyagoo ku faraxsanaa in si toos ah ay web site-ka allsbc.com kala socdaan wararka iyo barnaamijyada ka baxaya Idaacada. Halkan waxaan jecelnahay inaan idinkugu soo gudbinyo waxoo xusuusin ah oo ku aadan qaabka dhageysiga iyo waliba xog ku aadan Live-a. Saacadehee toos u dhagaysan karaa SBC Radio Laga
bilaabo Sabti ilaa Khamiis Subax kasta 6:00 am ilaa 9:00 am SBC Radio
(Sabti ilaa Khamiis) Xiliyee
Wararku soo galaan ? 08:00
am Subax Kasta East African Time Hadii wararku i dhaafaan maxaan sameyn? Hadii ay ku dhaafaan wararka Live-ka ah waxba ka wawalin ka eeg qaybta sare ee wararka oo dib aad u heli karto wararka duuban ama recording-ka ah. Barnaamijyada sidee ku dhagaysan karaa? Barnaamijyada ka baxaya Idaacadaha SBC & City Fm ama Idaacadaha kale ee ay SBC xiriirka war u sii tabinta la leedahay sida BBC-da iyo VOA waxaad dhagaysan kartaa xiliyadooda iyagoo LIVE ah, kuwa u gaarka ah SBC hadii ay ku dhaafaan ka eeg qaybta Left-ga ee Site-ka ee barnamijyada maqalka ah. Mararka
qaar warka iyo Barnaamijyadu update ma ahan maxaa dhaca? Badiyaa waxaan isku hawlnaa inay noqdaan update iyagoo xitaa Live loo dhagaysto, laakiin waxaa dhici karta cilad xaga FTP-ga ee loo adeegsado Uploading-ka ama Internet-ka oo culeys ku yimaado balse 80% waxaan xooga saarnaa in ay noqdan update barnaamijyada iyo wararka idinka EEBE. Waxaa dhacda in xiliyada qaar Live-ku aanu shaqeyn maxaa dhacay ? Waxaa jira aan saameyn weyn 99% aan ku yeelin karin hawsha Live-ka kala badalka korontada ee matoorada xaruntu isticmaasho, inkastoo ay jiraan dab keydiyeyaal ama UPS, hayn kara mudo aalada loo adeegsanayo Live-ka, hadana cilad aan badneyn oo dhif ah ayaa imaan karta, wixii lagu sii xoojin karo hawshana Insha ALLAAH waa la wadaa. Badiyaa waxaa dhici karta in ay timaado cilad xaga Internet-ka oo ka imaan karta Khadka ama ISP-ga, taasina waxay ku yeelan kartaa saameyn laakiin 99% waa hubaal arinkaasi inaanu imaan. Hadii ay timaado in shaqooyin culus, cilad deg deg ah ama culeys kale uu yimaado si aanay ugu jahwareerin dhageystayaashu habka dhageysiga Live-ka waxaa la diyaariyey Ogeysiis ama wargalin deg deg ah oo la soo galinayo web site-ka, hadiise ay timaado cilad xaga Server-ka, hostinga ama weerar xaga Internet-ka waxaynu sameynay qaybo gaar ah oo durbadiiba sahlaya inaanay kala go'in adeegyadaasi iyadoo aynu filayno in kal go'o xaga site-ka Insha ALLAH aanu imaan. Waxaa dhacda in xiliyada qaar aan maqlo dood socota oo Telefoon sidee uga qayb qaadan karaa hadii aan joogo dibada Waxaad soo wici kartaa 002525-824012/002525-825169 ama 00252-4-500625 Waxaan aad ugu mahadcelinaynaa dhamaan saaxiibada hawada ee talooyinka, dhaliilaha iyo toosinta inoo soo gudbiyey, wixii aan awoodi kari wayno ama inaga xumaada ma ahan inaan ka harayno inagoo adeegsanayna awooda EEBE ayaan ku dadaali doonaa xalinta. Fadlan nagala soo xiriir sbcsomalia@gmail.com ama sbcradio@hotmail.com Maamulka Sare ee SBC International |
|
Qaybta IT-ga ee SBC Copyright
© 2008 sbcsomalia@gmail.com/sbcradio@hotmail.com
|