|
Bishaaro++Bishaaro++Bishaaro
|
|
Shirkada
Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia oo daah-furtay adeeg casri ah oo la
magac baxay "XOGMAAL" Adeegan
casriga ah ee 14/08/07 ay daah furtay shirkada isgaarsiinta Golis ee loogu
magac daray "XOG-MAAL" waa mirahii ka dhashay dadaalkaas aan
kala go,a lahayn ee shirkadu ugu jirto horumar farsamo si kor loogu qaado
tayada adeega la siinayo macaamiisha. XOGMAAL waxuu mobile-ka Golis ka dhigayaa macalin aan daalin, wargal iyo adeeg lagu dhex maquurto badweynta akhbaareed ee dhex ceegaagta shabakada internetka. Barnaamijka XOGMAAL waxaad ka helaysaa adeegyadaan soo socda: Emails: Waxaad email ka dirsan kartaa Mobile-kaaga qaabka loo dirayo waxuu noqonayaa Inaad qortid emailka aad u direyso fariinta kadibna fariinta aad ku xijisho adigoo space u dhaxaysiinaya kadibna u dir fariintaas "111" kadib si fudud ayuu emailkaasu ku gaarayaa qofkii aad u dirtay. Tusaale ahaan waa sidaan hoos ku qoran: Golis_email@yahoo.com Salaan iyo waraysi. Qiimaha badeecada: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka "F" adoo raacinaya magaca ama model-ka badeecada aad rabto in aad hesho qiimaheeda sida "F NOKIA N93i" Kadibna fariintaasi gaaban ku dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa qiimaha uu marayo sheyga aad dalbatay. Macluumaadka Guud: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka "G" adoo raacinaya macluulmaadka aad rabto in aad hesho sida "G population of Somalia" Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa macluumaadkii aad dalbatay. Micnaha Ereyga: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka "D" adoo raacinaya ereyga aad rabto in aad hesho micnihiisa sida "D GSM" Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa macnaha ereygii aad dalbatay. Wararka Dunida: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka "BBC" ama "JZR" si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee shabakadaha. Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa wararkii ugu dambeeyey ee shabakadahaasi. Sarifka Lacagaha: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa lacagaha aad doonayso in aad isku bedesho sida "1 Euro in USD" Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa qiimaha la kala siisanayo lacagahaasi. Faaqidaada Cayaaraha: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa "Sport" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa fariimaha faaqidaada cayaaraha. Saadaasha Hawada: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida "W Bosaso" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa xaalada cimilada wadankaasi. Tarjumid: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida "Transilate good morning in French" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa qoraalkaaga tarjumaadkiisa. Keydka Warbixinada (Encyclopedia): Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida "Encyclopedia what is the capital of Somalia" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa warbixintii aad dalbatay. Stock: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida "Stock GE" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa warbixintii aad dalbatay. Matrix: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida "Convert 300 miles to Km" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa bedelka u dhigma warbixintii aad dalbatay. Shirkaddu waxay kaloo diyaarinaysaa adeegyo kale oo fara badan oo aad si weyn u xiiseyn doontaan ugana faa'ideysan doontaan mudadda dhow Ilaahay idinkiis. Waxii faah-faahin intaasi kabadan oo aad u baahataan waxaa diyaar idiinla ah inay idinka gacan siiyaan xarumaha shirkada Golis ee kala duwan idinkoo wacaya "121"
|
|
Qaybta Xayeysiiska SBC Copyright
© 2007 sbc@allsbc.com/sbcradio@hotmail.com
|