|
Carwada
Caalamiga ee
City Gate
Bosaso Somalia
|
|
Carwada
Caalamiga ah ee City Gate
|
|
Carwada
Caalamiga ah ee City Gate waa carwo aad ka heli karto dharka Ragga
iyo Dumar, kuwaasi oo ah dhar tayadoodu aad u sareyso.
Carwo City waxay kuu diyaarisey dhar qiimo jaban oo laga keenay
dalalka Yurub iyo Aasiya, waana Orginal ah.
City Gate dharka ay hayso waxay ka mid ah duruucda hablaha sida
Kanebo, DJ iyo waliba sadadka isku jooga ee bacweynaha.
|
|
Carwo
City Gate waa magaalo yar ee kaalay mar uun soo booqo
|
|
Carwo
City Gate waxaa kale oo aad ka helaysaa dharka Ragga sida Saraawiil,
Shaarar, Macawiso, Suudad, Funaanado, Garamo, Koofiyado, Cimaamado
waa dhar aad loo amaanay.
City Gate sidoo kale waxay kuu diyaarisey labiska dhalinyarada gaar
ahaan noocyadii ugu dambeeyey, iyo waliba dharka Odayaasha ama ragga
da'da dhexe.
City Gate waa Carwo si weyn u soo dhaweysay macaamiisha.
|
|
Carow
City waxaa kuugu diyaar ah shaqaale loo carbiyey hawshooda.
|
|
Carwo
City Gate waxaa ka mid ah waxyaabaha ay ku caanka tahay dharka dumurka
oo sida aad ku aragtaan sawirka noocyo kala duwan leh.
Dharkan oo ah kuwa loogu tala galay inay soo bandhigaan bilicda
iyo quruxda hablaha waa dhar tayadiisu aad u sareyso, waxaana la
calmaday oo la caashaqay hablihii ku labistey ee Habooneey kaalay
adiguna isku habee halagu calmadee.
|
|
City
Gate waa mid ka mid ah carwooyinka ugu caalamisan dhulka Soomaalida
|
|
Carwo
City Gate intaasi oo kaliya ma aha waxyaabaha ay caanka ku tahay
ee lagu calmaday, waxaa kale oo aad ka helaysaa kabaha ragga iyo
dumarka oo ah kuwa carsi ah oo xiligan dunida laga isticmaalo.
Carwo City Gate kabaha ay idiin diyaarisay waxaa ka mid ah kabaha
Jambalka, Kooyada, Teebada ama Buudka, kuwaasi oo hadii aad xirato
sare u qaadaya hub qaadkaaga ama bilicda labiskaaga.................
|
Carwo
City Gate labis iyo dhar oo kaliya kuuma diyaarin ee waxay kaloo
kuu haysaa boorsooyinka casriga ah, noocyo kala duwan, kuwaasi
oo tayo sare.
Sidoo
kale kama marna bustayaasha waa weyn iyo yar yar, kabarleetooyinka
sariiraha, waana noocyo aad ugu macaan jiifka iyo huwashada hadii
dhaxani ku hayso kaalay City Gate ka qaado busto tayo sare leh
oo kaa difaaca dhaxanta.
|
|
Carwada
caalamiga ah ee City Gate waxay kuu haysaa qalabka caruurta, sida
baaskiilada yar yar iyo waa weyn.
Sariiraha
caruurta noocyo kala duwan oo qaarkood leeyihiin sansiyeeriga ilmaha
ka difaaca xasharaadka sida kaneecada.
Qalabka caruurta ee City Gate idiin hayso waxaa kaloo oo ka mid
ah Boombalayasha iyo qalabka Qur'aanka iyo Tajwiidka ee Caruurta
iyo waliba Gamam kala duwan.
|
Carwada
Caalamiga ah ee City Gate waxaad kaloo haysaa qalabka make up-ka
compalete ee dumarku isku qurxiyaan sida aroosyada ama labiska.
City Gate waxay kaloo kuu haysaa qalabka cuntada lagu kulaleeyo,
qalabka lagu sameeyo doolshaha, Talaagadaha qabow iyo kuleyl,
Kaawiyad, rikoorada, qalabka diishashka, Receverada, CD ama DVD
Players, MP3 Player, Tv Screens, Tooshashka korontada iyo qalab
kale.
|
|
Carwo
City Gate oo ah carwo caalami ah waa magaalo yar, waxaadna ka helaysaa
waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin silsiladaha wata dhagihii,
faraantigii iyo saacadii, kuwaasi oo loogu tala galay hablaha xaragada
iyo labiska ku caanka baxay.
City Gate waxay kaloo kuu haysaa qalabka uduga hablaha iyo is qurxinta,
qiimuhuna waa mid macquul ah oo oo ku raali galin doona hadii ALLE
idmo.
|
Carwo
City Gate oo ah carwo caalami ah ma yara mana sahlana adeega aad
ka heli doonto, waxaa kale oo ka mid ah Shoping kala duwan Barafuuno,
Rag iyo Dumar, Cadaro, Shapooyin, Saabuuno, tayadoodu aad u sareyso.
Shopinka ay idii hayso Carwo City Gate waa noocyada dunida laga
isticmaalo oo casri ah, waxaana si weyn u amaanay dhamaan macaamiishii
adeegsatey ee ha moogaan.
|
Carwo
City Gate intaasi oo kaliya kuuma haysee waxay kaloo kuu haysaa
Mobilo aad u tayo wanaagsan oo casri ah, sida Nokia, Samsung,
Matoralla, LG, Sonny Erecson.
Mobiladaasi waxay isugu jiraan kuwa laba Card leh iyo kuwa hal
Card leh.
Sidoo kale qalabka ay idiin hayso waxaa ka mid ah Raadiyasha FM-ka
iyo Short Wave-ka oo ah kuwa tayadoodu aad u sareyso oo mowjado
badan leh.
|
|
|
|
Carwo
City Gate waxay ku taal magaalada Boosaaso agagaaraha Suuqa Weyn,
wadada Tagta Netco
|